|
Dagaal xalay ka dhacay qabridahare xili aduunka loo sheegayo in ONLF iyo Itoobiya hishiiyeen
Wararka aan ka helayno ilaa xalay magaalada qabridare ee gobalka qoraxay ayaa sheegaya ini habeenkii xalay magaalada Qabridahare laga maqlayay daryanka Rasaasta iyo Baasuukayaal lagu soo tuurayey magaalada Cidhifkeeda. Dadka ayaa habeenkii xalay halmar wada argagaxay, iyadoo in cabbaar ah ay socotay Rasaasta qoryaha kale ee waaweyn.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid la soo sheegay inay wax ku noqotay rasaastaas, iyadoo kaliya inta la og yahay ay tahay in Rasaasta iyo qoryaha kale magaalada lagaga soo tuurayay hareeraheeda. Isla markaana ay ku dhacayeen meelaha cidhifka magaalada ah.
Rasaastan ayaan wali lagaranayn cidda ka dambeysa, walaw dadka ree Qabridahare eek u dhaqan magaalada Qabridahare markaad weydiiso ay kuu sheegayaan in meelaha laga soo tuurayay hubka kaliyaata ay joogaan Jabhadda ONLF, iyadana ay suurtagal tahay inay weerarkan xalay ka dambayso.
Dhanka Jabhadda ONLF wali ma jiraan wax warar oo ay ka soo saareen weerarkan xalay, iyadoo Shacabku inbadan ay u badinayaan inay Jabhaddu ka dambayso weerarkan. xalay, iyadoo Shacabku inbadan ay u badinayaan inay Jabhaddu ka dambayso weerarkan
Weerarkan xalay lagu soo qaaday magaalada Qabridahare ayaa ku soo hagaagaya xilli Wafdi ka socda Golaha sare ee ONLF ay ku sugan yihiin magaalada Qabridahare, kuwaas oo kulamo la yeeshay Shacabka reer Qabridahare, waxayna warar ilo xogagaal ah noo sheegeen ay sheegayaan in Weerarkan xalay looga danlahaa in la tuso awoodda Golahan sare ee ONLF, iyo inay jiraan xoog ciiddan oo ka biyo diidan qaabka ay hadda wax u wadaan Golahan sare ee ONLF.
Magaalada Qabridahare ayaa dhammaan cidhifyadeeda iyo meelaha ku dhawdhaw waxaa deggan Ciidanka ONLF, waxayna inta badan ka soo weeraraan magaalada meelaha cidhifka ah. Wixii ka soo kordha arrimahan dib ayaanu idinkaga soo gudbin doonaa hadduu Alle idmo
IjaraNews.com
|
|
|
|
|
|