Gudoomiya kuxigeenka Barlamaanka dalka Kenya oo ka qeeb galay munaassibada ee madaxweynaha cusub ee Soomaliland.
Farax Macaalim Dawaara. oo ah gudoomiya kuxigeenka barlamaanka Kenya ayaa maanta ka qeebgalay munaasibada madaxweyna nimada dalka iskiisa iskugu magc caabay Jamuuriiyad ee looyaqaan Somaliland ,
Farax Macaalim oo ah siyaassi ruugcadaa ah oo si weyn looga qadariyo Geeyska Afrika ayaa in mudaba xarii balaaran kadhaxeeyey Soomaliland.
waxa uu sheegay Gudoomiya Kuxigeenka dalka Kenya in ay tahay dorashada kadhacday Soomaliland mid farxad gelisa cid walba oo Somali ah ama kudhaqan Geeyska Afrika. waxa uu na inta kudaray in ay tahay mid taarikhi ah oo kude asha mudan.
Farax Macaalin ayaa lagu eedeyey booqashadii uu horay kudagay Soamaliland, waxaa kamid ahaa dadka ku eedeyey wasiirka arimaha dibada Kenya Muuses Watangula. iyo Beelo kamid ah Beelaha Somaliyeed oo ay ka dhaxeeyso Colaada dalka isku magac caabay Soamliland, Farax ayaa arintaasi ku tilmaamay eedeentaas loo soo jeedayey wax aan sal iyo raad laheen oo ay tahay iska hadal uuna xaq u lahaa booqashadda uu booqday Soomaliland, madaama uu yahay nin kujira baarlamaanka Kenya.
IjaraNews.com
,