Gudoomiyaha Golaha Shuurada Sh.Axmed Nashaad ayaa maanta ka hadlay siidaynta Maxaabiista(Sawiro)

Anigoo ah Axmed Cabdinaasir (A/Nashaad) waxaan maanta oo ah maalin weyn marka dhinacyo badan laga eego oogu bishaareynayaa dhammaan shacbka Soomaaliyeed meelkasta oo ey joogaan arrinta taariikhiga ah ee kadhacdey maanta Magaalooyinka Adisababa & Diridawa 24/7/2010 saacadu markey aheyd 2:00 Pm arrintaas oo ah in ooda laga qaadey islamarkaana ey xoriyadoodii heleen intii badneyd walaaladii kujirey xabsiga weyn ee Adisababa ragaas oo katirsanaa Ururka UWSLF kuna xukunnaa xukunno isugujira Dil iyo Xabsi daaim waxeyna kala yihiin

1-Muj: Maxamed Xassan Mxamuud (Duulane)
2-Muj:Maxammed Maxamuud Faarax (Maxamed Xaq)
3-Muj:Maxamed Axmed Cabdullahi (Abuu Jandal)
4-Muj:Maxamed Cilmi Liibaan (Abu Dar)
5-Muj: Ibraahiim Xassan Naaleeye (Naaleeye)
6-Muj:Muuse Cabdullaahi Xassan.
7-Muj: Cismaan Axmed Yuusuf

Maadaama oon ahaa madaxii wadahadaladii nabadeed ee dhaxmarey Ururka UWSLF iyo Dawlada Fedaralka Itoopia waxaan halakan kucadeynayaa oon munaasabadan qaaliga ah ooga faaiideysanayaa arrimahan.

1- Ayadoo Ururka kudhaqmayo waajibaadka sharciga ah iyo masuuliyadii naga saarneyd (soodeynta) qaofka Asiirka ah ayuu Ururku waligii hiil iyo hooba lagarabtaagnaa walaaladaas 14 kii sano ee ey kujireen xabsigaa waxuuna dabooli jirey baahiyahooda intii awoodu saamaxdey: kharashka walaalada iyo ilmahooda, kharashka looyaradii udoodi jirey, daryeelkooda caafimaad IWM. waxaana ilaa hadda Alle ogolaadey siideynta boqolaal maxbuus oo isugu jirey UWSLF, ONLF iyo Siyaasiyiin Madaxbaan

2-waxaan halkan kacadeynayaa in arrinta soodeynta walaaladaas maanta lasiidaayey ey aheyd qodobkii oogu adkaa wareegyadii wada xaajoodka labada dhinac sababo badan oo kuxeeraa awgood

3-Arrinta walaalada iyo sidii ey xoriyada kuheli lahaayeen waxey aheyd arrin aad iyo aad xaga damiirka dhib badan noogu heysey waxaana xaqiiqa ah in uusan dhadhan yeesheen heshiisk nabdeed ee lagaadhey ilaa hadana inta hal qof kuhadhey xabsiyada waa xanuun taagan.

4-waxaan halkan kacadeynayaa in maalintii ragaasi gacangaleen 4/11/1996 iyo maanta oo xoriyadoodii heleen 24/07/2010 in ey yihiin labadii maalmood ee oogu xanuun iyo farxad badnaa taariikhda nolasheyda Axmed ahaan waana hubaa in Ururku kawada sinaa dareenkaas. Allane waxuu ogyahey in aan waligeey kafikiri jirey sidey xorriyadooda kuheli lahaayeen aniguna sababta soodeyntooda Gacan oogu yeelan lahaa waana mida maanta dhacdey walillaahi alxamdu.

5- Anigoo kuhadlaya magaca gudigii UWSLF ee wadaxaajoodka, Magaca Gudoomiyaha, magaca Ururrka waxaan halkan Mahad balaadhan kaga mahdinhayaa Allaah oo suura galiyey soodeynta walaalada. kadib waxaan umahadcelinayaa dhammaan dadkii sida wanaagsan ooga qeybgaley furdaaminta siideynta walaalada gaar ahaan Gudiga wada xaajoodka Dawlada Dhaxe, Gudiga Amniga Qaranka Federalka ee arrinta qalinka kuduugey, Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar ,Gudoomiyaha Ururka haya talada DDS mudane C/fataax Sh C/hi iyo Madaxa Xafiiska Maxaabiista UWSLF mudane Nuur Shaafi Maxammed iyo Dhamaan ehelada iyo Asxaabta walaalada oo si sharaf iyo Iimaan leh kusabirsanaa.

6-waxaan markale usheegayaa shacabka S/galbeed in aan waxii awoodayada ah kudadaali doona in dhammaan walaalada kuhadhey xabsiyada aanan kadaaleynin soodeyntooda anagoon ukala eegeynin magaca siyaasadeed ee ey uxidhanyihiin

BAAQ INSAANINIMO

waxaan halkan baaq bini aadam nimo ooga jeedinhayaa walaalada Masuuliinta ONLF ee kunool Dalalka Rer Galbeedka, gaar ahaan garabka aan nabada qaadan in uu il naxariiseed oo islaamnimo iyo bini aadan nimo kujirto in uu ku eego xaaladaha naxdinta leh ee uu kusigan yahey shacabku ee dhanwalba leh si guud iyo dhibaatada maxaabiista ubadan ONLF oo ey kusoo dhawaadaan wadada nabada dareemaan xanuunka dumarka, Odoyaasha iyo buktada xabsiyada kutabaaleysan oo ey sabab unoqdaan in caruurta iyo waalidiintoodu maalin farxad leh kulmaan.

Allaahu Akbar. Allaahu Akbar.
AXMED NASHAAD
Gudoomiyaha Golaha Shuuradda UWSLF



Wixii Warar oo dheraad ah Kala Soco IjaraNews.com

 
» Storm over al-Bashir's surprise visit 28 Aug 2010

» It's show of might as ecstatic Kenya ushers in new era 27 Aug 2010

» Untold story: Night meeting that saved Moi presidency 17 Aug 2010

» US envoy hosts dinner for Muslims 17 Aug 2010

» Kenyan arrested over bombings 17 Aug 2010

 
  » Tacsi Tiiranya Leh oo ku timid walaal keena Allah ha u naxariistee Ibraahin Daahir. 29 Aug 2010

» Muxaadara Cusub oo uu dhgay Sh Maxamed Cabdi Umal(Video) 22 Aug 2010

» Nin Mareeykaan ah oo u olooleeynaya in la sameeya maalin uu ku sheegay maalinta Kitaabka qu-aanka Kariimaka ah la guwidoona. 20 Aug 2010

» Jaaliyada beesha absame oo shir weyn kuqabatay magaalada johanesburg ee dalka koonfur Africa 08 Aug 2010

» ONE MORE Chance of A LIFE TIME ONE MORE Chance of A LIFE TIME 31 Jul 2010

» Kibaki hits out at Moi in battle for draft votes 27 Jul 2010

» Gobolka Godey qeeba kamid ah oo Dabeela xoogan haatan kasocda, 25 Jul 2010

» CANADA: HAMBALYO IYO SALAAN OO HAWADA LA SOO MARINAYA. 25 Jul 2010

» The phone call that saved Kenyatta 24 Jul 2010

» Godoomiyaha Qorba joogta Gobolka Godey Eig Cabdirashiid Sheekh Xussein Dhayib 22 Jul 2010