|
Puntland oo guul sheegatay
Dagaal saakay ku dhex maray, ciidanka Puntland iyo koox maamulku ku sheegay in ay yihiin xarakadda Al-Shabaab,tuulada Karin oo 40 km Koofur galbeed ka xigta Bosaso ayaa maanta duhurkii iskiis u joogsaday,
halka labadii ciidan ee dagallamay ay goobahooda ku sugan yihiin.
Waxaa si wayn loo adkeeyay, amaanka goobaha muhimka ah iyo guud ahaan magaalada Bosaso, dadku si wayn u hadal hayaa dagaalka, hase ahaatee wax saamayn ah kuma yeelan colaadu, magaalada Bosaso marka laga eego nolosha dadwaynaha, ganacsiga iyo socodka gaadiidka intaba.
Maamulka Puntland ayaa sheegaya, inuu guul ka soo hoyeen dagaal saaka dhexmaray ciidankooda iyo xarrakada Shabaab, kasoo bilowday markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada Puntland oo ku sugnaa tuuladaasi Karin.
|