|
Gobolka Godey qeeba kamid ah oo Dabeela xoogan haatan kasocda,
War dag dag ah oo hada naga soo gaaray ayaa sheegayaa in ay guudaha magaalada Godey kasocdaan dabeelo si xawli ah kusocdaan oo sababay khasaarooyin baden laakiinse weli lama sheegayo wax dimasha ah,
Godey Dabaylo xoogan oo carro wata, ayaa socdayna labadii todobaad ee lasoo dhaafay, waxayna si xoog leh uga socda gudaha iyo hareeraha magaalada Godey. Dabaylahan ayaa waxay sababaan mararka qaar in ay joogsadan isu socdkii dadka iyo gadiidka magaalada dhexdeeda iyo waliba kuwa u kala gosha magaalada iyo deegaannada kale ee gobalka.
Dad shacab ah oo la hadlay ayaa u sheegay inay adag tahay in xiliyada qaar dadku banaanka u soo baxo, wax araga oo aad u liita iyo halis dhanka caafimaadka ah oo caradu keeni karto darteed.
"Adeer waayeel ayaan ku gaaray degmada Godey waligayna ma arag dabayshan sidata carradan xoogaas leh mid lamid ah waligeedna kama dhicin Godey" ayuu yiri Xaaji Cabdi Rooble oo ka cabanayey dabeyshan.
Magaalada Godey ayaa leh ban aad u weyn, geeduhuna ku yaryihiin, taas iyo xaalufinta dhirta ayaa keentay in markaad qiyaastii 20-25km uga baxdo dhinac walba khaastan (koonfur & waqooyi), aadan ku arkeen geed quman. Xaalufinta dhirta ayaa haddunan maamulka degdeg uga hortagin sababi doonta nabaad-guur baahsan.
|
|
|
|
|
|