Axmed Nashaad oo u mahadceliyey cidkasta oo door ku laheyd soo deynta maxaabiista heer federal, baaqna u diray garabka ONLF ee aan nabadda qaadan Anigoo ku hadlaya magaca Gudigii wada-hadalka UWSLF, magaca Guddoomiyaha ururka, magaca ururka iyo keygaba, waxaan marka hore u mahadcelinayaa Alle oo suuragaliyey sii deynta walaalaha, kadib, waxaan u mahadcelinayaa dhamaan shaqsiyaadkii ka qeyb qaatay arrintan, dowladda dhexe, Guddiga Amniga Qaranka Federalka oo arrintan qalinka ku duugay, madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, mudane Cabdi Maxamud Cumar, Guddoomiyaha xisbiga SPDP, mudane Cabdifitaax Sheekh Cabdullahi, iyo madaxa xafiiska xabsiyada, mudane Nuur Shaafi Maxamed," ayuu yiri Axmed Nashaad.

Dowladda dhexe Itoobiya ayaa shalay sii deysay todobo maxbuus oo heer federal ah, kuwaasoo ku kala xukunaa dil iyo cimrigaa ha'ku furto.

"Waxaa farxad weyn ii ah inaan dhamaan shacabkeena ugu bishaareeyo sii deynta intii badneyd walaalaha ku xidhnaa xabsiyada Addis Ababa iyo Diridhaba, kuwaasoo maanta saacaddu markey aheyd 2:00pm xoriyaddoodii helay," ayuu yiri Axmed Nashaad.

Axmed Nashaad ayaa tilmaamay in UWSLF waligeedba ay ku taami jirtay soo deynta maxaabiistan, isagoo sheegay inay 14-ki sano ee ay xirnaayeen maxaabiistan uu ururku dabooli jiray "inta awoodiisa ah" kharashka ku baxeyey iyaga, ilmahooda iyo qareenadi u doodayey.

"Waxaan halkan ka caddeynayaa in arrinta sii deynta maanta ee walaalahan ay aheyd qodobkii oogu adkaa wareegyadii wada-hadalka ee labada dhinac, dowladda iyo UWSLF," ayuu yiri Axmed Nashaad.

Axmed Nashaad ayaa carabka ku adkeeyey in hashiiska labada dhinac uunan micno badan yeelan laheyn haddii haddii aanan la sii deyn maxaabiistan.

"Arrinta walaalada iyo sidii ay xoriyaddooda u heli lahaayeen waxey aheyd arrin aad iyo aad u dhib badan xagga damiirka, waxaana xaqiiqo ah in uusan dhadhan yeesheen heshiiska nabaddeed ee la gaadhay illaa la sii daayo maxaabiista," ayuu hoosta ka xariiqay Axmed Nashaad.

Axmed Nashaad ayaa u mahadceliyey dowladda dhexe, tan deegaanka iyo dhamaan intii ka qeyb qaadatay soo deynta maxaabiistan.

Dhanka kale, Axmed Nashaad wuxuu baaq u diray garabka ONLF ee aanan qaadan nabadda, isagoo u soo jeediyey inay nabadda qaataan, iyagoo tixgalinaya baahida shacabkooda.

"Waxaan halkan baaq bini'aadanimo ugu soo jeedinayaa walaalaha masuuliyiinta ONLF ee ku nool dalalka reer Galbeedka, garabka aanan nabadda qaadan, inuu il naxariis leh oo bini'aadannimo ku eego xaaladda naxdinta leh eee uu ku sugan yahay shacabkeena iyo qiimeeyaanna rafaadka heysta maxaabiista ONLF, kuna soo dhawaadaan miiska wadahadalka," ayuu yiri Axmed Nashaad.

Maxaabiista shalay laga sii daayey jeelasha Addis Ababa iyo Dirdhaba ayey magacyadooda iyo magaallooyinka ay ka soo kala jeedaan yihiin:

1-Maxamed Xassan Maxamud .......... (Godey)
2-Maxamed Axmed Cabdullahi ........ (Godey)
3-Ibraahiim Xassan Naaleeye .......... (Qalaafe)
4-Maxammed Maxamuud Faarax ..... (Wardheer)
5-Muuse Cabdullaahi Xassan ........... (Wardheer)
6-Maxamed Cilmi Liibaan ............... (Dooloow)
7-Cismaan Axmed Yuusuf .............. (Dirdhaba)

Maxaabiistan, oo dhamaantoodba katirsan ururka UWSLF, ayey intooda badan xabsiyada heer federal ku jireen dhowr iyo toban sano. Sii deynta maxaabiista ayaa qeyb ka ah wadahadalka nabaddeed ee u socda dowladda dhexe iyo ururka UWSLF.

Waxaan kasoo xiganay wabishabelle.co

Email bangodey.@hotmail.com

 
» Storm over al-Bashir's surprise visit 28 Aug 2010

» It's show of might as ecstatic Kenya ushers in new era 27 Aug 2010

» Untold story: Night meeting that saved Moi presidency 17 Aug 2010

» US envoy hosts dinner for Muslims 17 Aug 2010

» Kenyan arrested over bombings 17 Aug 2010

 
  » Tacsi Tiiranya Leh oo ku timid walaal keena Allah ha u naxariistee Ibraahin Daahir. 29 Aug 2010

» Muxaadara Cusub oo uu dhgay Sh Maxamed Cabdi Umal(Video) 22 Aug 2010

» Nin Mareeykaan ah oo u olooleeynaya in la sameeya maalin uu ku sheegay maalinta Kitaabka qu-aanka Kariimaka ah la guwidoona. 20 Aug 2010

» Jaaliyada beesha absame oo shir weyn kuqabatay magaalada johanesburg ee dalka koonfur Africa 08 Aug 2010

» ONE MORE Chance of A LIFE TIME ONE MORE Chance of A LIFE TIME 31 Jul 2010

» Kibaki hits out at Moi in battle for draft votes 27 Jul 2010

» Gobolka Godey qeeba kamid ah oo Dabeela xoogan haatan kasocda, 25 Jul 2010

» CANADA: HAMBALYO IYO SALAAN OO HAWADA LA SOO MARINAYA. 25 Jul 2010

» The phone call that saved Kenyatta 24 Jul 2010

» Godoomiyaha Qorba joogta Gobolka Godey Eig Cabdirashiid Sheekh Xussein Dhayib 22 Jul 2010